


Qaranka Soomaaliyeed



Astaanta waxbarshada qaranka Soomaaliyeed
eduSO waa Diiwaan-galiye (Registrar) loo sameeyey in uu dardargeliyo howlaha isticmaalka asataanta qaranka internet-ka ee hay’adaha waxbarashada dalka ee isugu jira kuwa aasaasiga ah (dugsiyada hoose illaa sare) iyo tacliinta sareba (Jaamacadaha iyo machadyada u dhigma). Adeeggan waxaa loo sameeyay in la xaqiijiyo in dhammaan hay’adaha waxbarashada Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan karaan adeegga astaanta qaranka ee loo adeegsado waxbarashada iyo adeegyada kale ee teknolojiyada, iyada oo la fududeynayo nidaamkii ay kula xiriiri jireen. Adeeggan waa mid aan faa’iido-doon ahayn oo ujeedkiisu yahay in bahda waxbarashada ay qeyb lixaad leh ka qaataan baahinta teknolojiyada ee dalka laga soo billaabo dugsiyada hoose illaa heerka jaamacadeed.
In ka badan 20+ sano waxaan bixinaa adeega furaha waxbarashada ee qaranka Soomaaliyeed
eduSO waxay bahda waxbarashada u fidisaa adeegyo teknolojiyadeed, iyaga oo ka faa’iideysanaya astaanta internetka ee dalka ee .edu.so iyo sch.so.
eduSO waxay u adeegeysaa dhammaan dugsiyada, machadyada iyo jaamacadaha Soomaaliya, deegaan kasta oo ay ku yaallaan si ay uga faa’iideystaan astaanta Qaranka.
eduSO waxay ka shaqeyneysaa sidii bahda waxbarashada Soomaaliya ay u hoggaamin lahaayeen adeegsiga teknolojiyada dalka.

Shuruudaha Helitaanka eduSO
Jaamacadaha, Dugsiyada iyo dhamaan goobaha wax barashada ee dalka waa inay soo buuxiyaan dhamaan shuruudaha soo socda:
- Goobta waxbarashada ay ka dhisan tahay gudaha dalka Soomaliya.
- Warqad codsi ah oo kasoo baxda maamulka goobta waxbarashada.
- Profile ka goobta waxbarashada oo laga heli karo macluumaadka.
Si aad dalbato magaca mareegta fadlan guji batoonka
Diiwaan gelinta astaanta waa BILAASH
Dhamaan adeegyada eduSO waa u bilaash muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhaqan ku dalka Soomaaliya.

Foomka hoose noogu reeb Fariintaada
Contact Info
Mogadishu - Somalia
p: +252 61 9988879
E: info@sonic.so
Sat-Thu: 9:00-16:00